894 Views

Afhayeenka xukuumadda oo sheegay In Rooble iyo Qoor-Qoor ay wada hadleen

Afhayeenka xukuumadda oo sheegay In  Rooble iyo Qoor-Qoor ay wada hadleen
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in khadka telefoonka ay ku wada-hadleen Ra’iisul Wasaare, Rooble iyo Madaxweynaha maamulka GalMudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), halkaas oo uu Qoor-Qoor ku xaqiijiyay inuu soo gudbinayo liiska guddiga doorashada.

Maxamed Ibraahim Mucalimuu oo farriintan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu intaasi ku daray “Waxaa goor la filayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye inuu soo gudbiyo liiska guddiga doorashooyinka Dowad Goboleedka Galmudug ee wax ka badalka lagu sameeyay.”

Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii goor hore oo maanta ah uu ra’iisul wasaare Rooble ka codsaday madaxweynaha GalMudug inuu soo gudbiyo guddigaasi.

Waxaa hore liiska guddiyada doorashada u soo gudbiyay maamullada kale ee Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa dib uga dhacday marar kala duwan xilligii loogu tala galay inay ku qabsoonto, kaddib markii ay isku fahmi waayeen qeybaha kala duwan ee ay khuseyso.

Dibu dhaca doorashada, ayaa keentay in dagaal gacan ka hadal ah uu ka dhaco magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, inkastoo markii danbe la xaliyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post