1056 Views

Wasiir Cismaan Libaax oo la kulmay dhigiisa Hindiya

Wasiir Cismaan Libaax oo la kulmay dhigiisa Hindiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 1, 2019–Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Cismaan Libaax Ibraahim oo ku sugan dalka Hidniya ayaa waxaa kulan  gaar ah oo looga hadlay Arrimo dhowr ah uu la qaatay dhigiisa dalka Hindiya Mr. R K singh.

 

Kulanka ayaa waxaa ay uga  wada hadleen labada Mas’uul xaaladda Korontada Dalka, asagoo Wasiir Cismaan libaax Ibraahim uga warbixiyay xaaladda Tamarta dalka iyo sida ay dowladda Hindiya uga tageeri lahayd korantada laga dhaliyo qoraxda ee Soomaliya.

 

 

 

Ugu dambeytii laba Wasiir waxa ay isla gaareen in wafdi heer sare oo Khubarada dhanka Solar dalka Hindiya loo soo diro Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan xaaladda korantada dalka iyo sida koronta jaban dalka oo dhan loo gaarsiin lahaa, iyadoo Soomaaliya loogu faa’ideynaayo Khibradda iyo tijaabooyinka guulaha leh ay ka gaartay dowladda Hindiya ee dhanka Tamarta.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Cismaan Libaax Ibraahim ayaa dalka Hidniya uga qeyb-galay Shirka Isbaheysiga Caalamiga ah ee Solar-ka (International Solar Alleince – ISA).

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment