912 Views

Doorashada Itoobiya oo uu muran hareeyey

Doorashada Itoobiya oo uu muran hareeyey
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 15 2020–Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigreega Dr Dabresiyon Gabra-mikael ayaa sheegay deegaankiisu inuu doorasha u gaar ah uu qabsanayo lagana taxaddarayo faafitaanka Covid-19.

Guddoomiyaha xisbiga talada deeganka Tigreega haya ee TPLF Dr Dabresiyon Gabra-mikael oo warbaahinta kula hadlay magaalada Maqale wuxuu yiri “Dowladda Federaalka hadalka ka soo yeedhay ee ah inaan doorasha la qaban karin xili uu coronavirus taagan yahay hadalkaasi kuma raacsanin, anagu doorashada waan qabsaneynaa iyada oo laga taxaddareyno faafitaanka fayraska Corona.”

Wuxuuna intaa ku daray “Deegaankannaga dhanka sharciga anaga oo ka eegeyno inaan xisbiyada siyaasadeed iyo ururrada bulshada ee ay quseyso iyo guddiga doorashadaba lagala tashanayo ayey doorashadu dhaceysaa.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa kale uu sheegay Dowlad Deegaanka Tigreega ee dalka Itoobiya doorashada uu qabanayo iney ku kallifeyso meel marinta go’aanka shacabka deegaankaasi iyo dastuurka deegaanka oo loo hoggaansamayo.

Tani iyo marka uu isbeddel ka dhacay dalka Itoobiya uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodaya iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya ay nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey ay god ku sii rideyso.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment