909 Views

Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa Zuma oo wali ka biyo diidsan in la xiro

Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa Zuma oo wali ka biyo diidsan in la xiro
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 7, 2021

Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa, Jacob Zuma, ayey tahay inuu isu dhiibo ciidanka booliiska, ama uu wajaho xiritaan iyo xabsi, maadaama toddobaadkii hore ay maxkamadda dastuuriga ay xukuntay, isagoo lagu helay dambi ah inuu isku dayey been iyo marin habaabin.

Wali ma cadda waxa ku dhici doona madaxweynahan hore.

Afhayeenka Jacob Zuma, Mzwanele Manyi, ayaa u sheegay BBC-da inaanu aamin saneyn in Zuma la xiri doono.

Wuxuu intaa ku darey Manyi ineysan jiri doonin wax xiritaana, maxaa yeelay buu yiri qofkii soo xiri lahaa inuu sugayo in hannaanka xiritaanka uu dhameystirmo.

Manyi ayaa carabka ku adkeeyey in wasiir Bheki Cele uu qorey waraaq, uu ku leeyahay inuu sugayo illaa iyo inta hannaanka sharciga xiritaanka waqtigiisa la gaarayo.

Qareenada madaxweynihii hore, ayaa tagey maxkamadda uggu sareysa dalkani, si loogga loo hor istaago in laxiro Zuma.

Ha yeeshee wasiir Cele, wuxuu ku nuuxnuux sadey inuu u hoggaan samayo go’aanka maxkamadda dastuurka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post