279 Views

Erdogan baabi’iyay shuruudihii da’dahawlgabka ee shaqaalaha Turkiga

Erdogan baabi’iyay shuruudihii da’dahawlgabka ee shaqaalaha Turkiga
____________________________________________________________________________

Khamiis: 29 December 2022

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii meesha ka saaray shuruudihii da’da hawlgabka, tallaabadaas oo u oggolaanaysa in ka badan 2 milyan oo shaqaale ah inay si degdeg ah shaqada uga fariistaan, wax ka yar lix bilood kahor doorashada madaxweynaha Turkey.

Ku dhawaaqista madaxweynaha ayaa timid intii lagu jiray shirkii jaraa’id ee Arbacadii.

Xisbiga talada haya ee Erdogan ayaa toddobaadkii hore sare u kac ku sameeyay mushaharka, taasoo qayb ka ah ololaha dib loogu kasbanayo taageerada uu naafeeyay sicir-bararka, hoos u dhaca lacagta Lira, iyo hoos u dhac weyn oo dhanka nolosha ah.

Markii hore, da’da hawlgabku waxay ahayd 58 dumarka iyo 60 ragga, ilaa iyo haddana ma cadda inta ay qaadan doonto, balse Erdogan ayaa sheegay in 2.25 milyan oo qof ay xaq u leeyihiin inay si degdeg ah shaqada uga fariistaan.

Turkiga waxaa hadda jooga 13.9 milyan oo hawlgab ah.

Labaatankii sano ee uu xukunka hayay Erdogan waxa uu dusha kala socday olole ka dhan ah mucaaradka, wuxuuna sannadihii u dambeeyay qaatay siyaasad dhaqaale oo weyn, taasoo ka caawisay in Liiraha hoos loo dhigo toban meelood meel qiimihiisii, marka loo eego dollarka toban sano kahor.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post