402 Views

Al-shabaab oo la sheegay in ay dileen 12 ruux oo Ceel ka qodayay gobolka Gedo

Al-shabaab oo la sheegay in ay dileen 12 ruux oo Ceel ka qodayay gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 1, 2022

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Gariley oo ku yaalla Koofurta Gobolka Gedo, ayaa sheegaya In halkaasi dagaalameyaasha Al-shabaab ay ku dileen 12 ruux oo shacab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ay rag ka tirsan Al-shabaab dileen, xilli ay ku sugnaayeen goob laga qodaayay Ceel-biyaha laga cabo oo dadka deegaanka Baari u qabeen.

Al-shabaab ayaana gubay Gaarigii Riigga ee Ceel qodaayay iyo dhammaan agabkii yaallay goobta.

Sidoo kale, Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa gubay Injineeradii waday howsha qodida Ceelka, sida ay sheegeen shacabka deegaanka oo ay heysato Abaar saameysay dad iyo duunyo.

Deegaanka Gariley waxaa uu u dhaxeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceel-waaq waxaana ku nool 3,500 qoys oo wajahaya dhibaatooyin dhinaca Nolosha ah.

Lama oga ilaa hadda sababta keentay Al-shabaab gubaan Ceelka laga qodaayay deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post