1068 Views

Gollaha Deegaanka Degmada Waajid oo doortay Gudoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeena

Gollaha Deegaanka Degmada Waajid oo  doortay Gudoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeena
____________________________________________________________________________

April 30-2021

Gollaha Deegaanka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa Guddoomiye u doortay Mudane Maxamed Macalin Yuusuf, halka Guddoomiye Ku-xigeena ay u doorteen Mudane Mukhtaar Maxamed Aw-dheere, kadib doorasho maanta ka dhacday degmadaas.

Doorashada Guddoonka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar kamid ah wasiirada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, sida wasiirrada Arrimaha Gudaha, Maaliyada, Amniga iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.

Waa markii ugu horeysay oo Golle Deegaan laga dhisay degmada Waajid, kuwaas  oo doortay Guddoomiye, waxaana degmooyinka kale ee Koonfur Galbeed ka socdo dadaallo lagu dhisayo goleyaasha deegaanka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post