837 Views

Hay’adaha lacagta Mareykanka iyo dalalka Yurub oo mamnuucay dhaqaale Taliban hesho

Hay’adaha lacagta Mareykanka iyo dalalka  Yurub oo mamnuucay dhaqaale Taliban hesho
____________________________________________________________________________

.

Sabti: August 21, 2021

Hay’adaha lacagta ee Mareykanka iyo dalalka Reer Galbeedka ayaa waxay si degdeg ah u qaadeen tallaabooyin ay ku xannibaayaan in Taliban hesho dhaqaalaha dalka.

Afghanistan wuxuu ka mid yahay dalalka ugu saboolsan caalamka – waana waddan si wayn ugu tiirsan kaalmada caalamiga ah, taasoo dakhliga dalka ka ah 43 boqolkiiba.

“Afghanistan si wayn ayey ugu tiirsan tahay deeqda caalamka. Kaalmada caalamka waxay toban jibbaar iyo ka badan tahay dhaqaalaha ay taalibaan iskood u helaan,” ayey tiri Vanda Felbab-Brown, oo ah qof ku taqasustay dhaqaalaha Afghanistan oo ka tirsan machadka Brookings Institution.

about:blank Mareykanka ayaa sidoo kale xannibay in Taliban ay helaan dhaqaalaha Afghanistan ee daafaha caalamka kale yaalla iyo lacagta keydka dalkaas  oo inteeda badan taallo bangiyada Mareykanka ama Yurub.

Arbacadii, Hay’adda Lacagta Adduunka, IMF, waxay hakisay lacagtii deeqda ahayd ee Afghanistan – taasoo sabab ay uga dhigtay in Caalamka uusan aqoonsanayn Taliban, iyadoo Deeq-bixiyeyaal kale ay dhankooda sheegeen in ay joojiyeen lacagtii ay siin jireen Afghanistan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post