2307 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Qaabilay Safiirrada Cusub Ee Indonosia iyo Masar

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Qaabilay Safiirrada Cusub Ee Indonosia iyo Masar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 22, 2019 – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirrada cusub ee Soomaaliya ay u soo magacaawdeen dawladaha Indonosia iyo Masar, Soehadjono Sastromihardjo iyo Mohamed Ibrahim Nasar Salem.

Safiirrada cusub ee Indonosia iyo Masar oo maanta madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu ka guddoomay aqoonsiyadooda safiirnimo ayuu Ra’iisul wasaare Khayre kala hadlay adkaynta xariirka soo jireenka ah iyo is-kaashiga ka dhexeeya wadamadooda iyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale qaabilay safiirka Talyaaniga u fadhiya Muqdisho, Carlo Campalina, oo ay ka wada hadleen xariirka iyo danaha isku tolan ee labada dawladood.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment