150 Views

Qaramada Midoobay oo ku eedaysay Ruushka inuu jabiyay xeerarka ilaalinta carruurta ee qaxootiga

Qaramada Midoobay oo ku eedaysay Ruushka inuu jabiyay xeerarka ilaalinta carruurta ee qaxootiga
____________________________________________________________________________

Sabti: January 28 2023

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, ayaa ku eedeeyay xukuumadda Moscow inay ku xad-gudubto “xuquuqda asaasiga ah,” iyo mabaadi’da ilaalinta carruurta, iyadoo baasaboorka Ruushka siisay carruurta aan lala socon.

Filippo Grandi ayaa waxa uu intaa ku daray in Ruushku markaas uu caruurtan ku wareejiyey inay korsadaan qoysas Ruush ah.

Waxa uu sheegay in UNHCR ay isku dayi doonto inay la xiriirto dadka ay dhibaatadu saameysey, oo ay isku dayaan in ay xal u helaan.

Si kastaba ha ahaatee, Grandi, ayaa qirtay inuusan ogeyn tirada carruurta ay saameysay.

Marka loo eego xogtii ugu dambeysay ee hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka qaxootiga ee UNHCR, ku dhawaad saddex milyan oo qaxooti ka yimid Ukraine, ayaa lagu diiwaan geliyay Ruushka – in ka badan waddan kasta oo Yurub ah. Ma cadda inta kuwani yihiin ay ka yihiin caruurta.

La-taliyaha madaxweynaha dalka Ukraine, ayaa sheegay horaantii bishan in ku dhawaad 14,000 oo caruur ah “loo masaafuriyay” Ruushka, oo laga keenay qaybo ka mid ah Ukraine-ta la haysto, wuxuuna ku eedeeyay in la afduubay. Maamulka Kremlin-ka ayaa diiday eedeymahaas.

Grandi ayaa sheegay in UNHCR ay baadi goobayso wadiiqada lagu heli karayo galaangalka dowladda Ruushka “mar walba”, balse ilaa haatan tani waa “dhif iyo naadir, oo aan badneyn, oo la xannibay”.

Hadalkiisa ayaa imanaya ka dib markii sarkaalka ugu sareeya Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha, uu walaac ka muujiyay bishii July in caruur Ukraine u dhashay laga soo kaxeeyay xarumaha agoomaha ee gobolka Donbas ee bariga, “si qasab ahna” logogu tarxiilay dalka Ruushka.

Waxa kale oo jiray walaac maamulka Moscow laga qabo oo ah “wax ka beddelista sharciyada jira” si loo dedejiyo habkan.

Michelle Bachelet ayaa sheegtay xilligaas inaysan xaqiijin karin eedeymaha iyo tirada carruurta ay suurtagal tahay inay saameyso arrintani.

Ka dib bishii Sebtembar ee sanadkii hore, kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka, ayaa sheegtay inay jiraan “eedeymo la isku haleyn karo” oo ah “ku wareejinta khasabka ah ee carruurta aan lala socon, ee laga qaadayo dhulka Ruushku haysto, ama Federaalka Ruushka laftiisa”.

Grandi ayaa ka hadlayay dhamaadka booqasho lix maalmood ah oo uu ku joogay Ukraine, wuxuuna u sheegay dadka deegaanka in “Dunida oo dhami ay indhahooda kusoo jeedaan, sababo la xiriira iney yihiin dad xooggan.”

Waxa uu sheegay in ay suuragal tahay in Qaxooti badan ay dib ugu laabtaan Ukraine xagaaga, sidii dhacday sanadkii hore, balse waxa uu ka digay in dagaalo kale ay horseedi karaan barakac weyn, gaar ahaan gudaha.

Grandi ayaa waxa kale oo uu muujiyay aragti xun oo caalami ah marka laga hadlayo qaxootiga – isagoo saadaaliyay in tirada dadka barokacay ay “u dhow dahay” inay ka bataan sanadaha soo socda tirada haatan, oo ah ku dhawaad 103 milyan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post