705 Views

Puntland, oo shegtay inay joojineyso in Soomaaliland Imtixaanaadka Iskuulada ka samayso Gobollada Sanaag

Puntland, oo shegtay  inay joojineyso in Soomaaliland Imtixaanaadka Iskuulada ka samayso  Gobollada Sanaag
____________________________________________________________________________

June 9 2021

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad Goboleedka  Puntland, ayaa shaacisay inay joojineyso qorsho Soomaaliland ay ku dooneyso in Imtixaanaadka Iskuulada uga sameeyso Gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Qoraal kasoo baxay  xafiiska Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa lagu sheegay in  Mas’uuliyiinta Puntland ugu Magacaabay gobolada Sanaag iyo heylan  lagu amrayo inay joojiyan in Somalialnd ay Imtixaan ka qabato labadaaasi Gobol ayna fuliyaan amarka Wasiirka.

Sidoo kale Qoraalka Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa waxaa loogu mahad celiyay Shacabka ku nool labada Gobol ee  Sanaag iyo Haylaan sida ay uga Shaqeeyeen hirgelinta nidaamka Waxbarasho ee Puntland, isla markaana dhawaa n la dhameystiri doono Baahiyaha waxbarasho ee kajira degaannadaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post