825 Views

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Xijaar oo xilka qaaday Taliyihii Saldhiga Ciidanka Booliska degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Xijaar oo  xilka qaaday Taliyihii Saldhiga Ciidanka Booliska degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

..

.

February  27 /2/ 2021

Wararka ka imaanaya taliska Ciidamada Booliiska ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) uu xilka qaaday Taliyihii Saldhiga Ciidanka Booliska degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Jen. Xijaar ayaa wareegto uu soo saaray xilka kaga qaaday Taliye Cabdirisaaq Gaas, isagoo Taliyaha cusub ee Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne u magacaabay Sharmarke Xasan Maxamuud.

Sidoo kale C/risaaq Gaas oo ah Taliyaha xilka laga qaaday ayaa maalmo ka hor ku dhaawacmay Qarax ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Xamar-weyne, kaasoo ka dhashay Jaakad qarax ku xirnaa oo uu tuuray nin damacsanaa inuu fuliyo qarax ismiidaamin ah, lamana oga illaa hadda sababta xilka looga qaaday.

Dhinaca kale Taliye Xijaar ayaa xalay xilka ka qaaday Taliyihii Ciidamada Waliyow cadde oo ku lug lahaa bur burintii shalay lagu qaaday iskuulka Hoyda Xamar.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post