579 Views

RW Rooble oo la kulmay labada Guddoomiye KMG ah ee Baarlamaanka

RW Rooble oo la kulmay labada Guddoomiye KMG ah ee Baarlamaanka
____________________________________________________________________________


Sabti: April 16, 2022

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay labada Gudoomiye ee kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka 11-aad.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dhammeystirka doorashada labada guddoon ee baarlamaanka oo maalintii shalay maray dhaartii dastuuriga.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku boorriyay labada guddoon in ay dardar galiyaan Doorashada guddoonka rasmiga ee baarlamaanta, taasi oo ay xigto doorashada Madaxweynaha.

Labada Guddoon ayaa maalinta berri lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ku shiryaan Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, si loo guda galo howlaha doorashada.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post