1080 Views

SAWIRO:-Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo Ceelwaaq kula kulmay Saraakiil Ciidan

SAWIRO:-Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo Ceelwaaq kula kulmay Saraakiil Ciidan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2019–Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo maalmahaan safari kala duwan ku maraya degmooyin katirsan gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa uu kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Daraawiishta jubbaland & kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee Gobolkaasi Gedo.

 

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen qeybaha kala duwan ee Bulshadda Ceelwaaq,waxaana kulanka looga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa midnimada iyo xasiloonida dadka Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo.

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in saraakiisha Ciidamada iyo Bulshada looga baahan yahay inay ka wada Shaqeeyaan sugida Amniga.

 

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Maamulka degmada iyo Odayaasha Dhaqanka degmooyin katirsan Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment