1281 Views

Jubbaland oo Magacaawday Guddi Cusub ( Warsaxaafadeed)

Jubbaland oo Magacaawday Guddi Cusub ( Warsaxaafadeed)
____________________________________________________________________________

Guddoonka Golaha wakiilada Dowlad GoboleedkaJubbaland, ayaa maanta magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee Jubbaland.
Magacaabistaan uu Guddoonka Baarlamaanku magacaabay ayaa dabasocota codsigii shalay ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland kaas oo ahaa in golaha wakiilada Jubbaland magacabaan guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka sare.

Xubnaha Guddiga la magacaabay oo ka koban 9 Xubnood ayaa waxaa ay guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland kala shaqeyn doonaan qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare,.iyada oo Xildhibaannada Aqalka ay dooranayaan Baarlamaanka Jubbaland.
Shalay ayaa waxaa Xubnaha guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland ay ku dhawaaqeen in doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ay waqtigeeda ku qabanayaan xilli ay jiraan culeyso badan oo siyaasadeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post