1758 Views

30 Qof Oo Ku Geeriyootay Dooni Ku Degtay Koongada Dimuqraadiga

30 Qof Oo Ku Geeriyootay Dooni Ku Degtay Koongada Dimuqraadiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 27, 2019–Madaxda Deegaanka ayaa sheegay inay ugu yaraan 30 qof gereiyootay, tobaneeyo kalena weli lagu la’ yahay dooni ku degtay Harradda lagu magacaabo May Nadombe oo ku dhow Tuulladda Lokanga ee  Galbeedka dalkaasi.

Duqa magaalladda Inongo oo lagu magacaabo Simon Mabo Wemba ayaa u sheegay Warbaahinta inay soo saareen maydadka 30 qof oo kala ahaa 12 haween, 11-carruur iyo 7 nin.

Waxa uu intaasi ku daray in la soo badbaadiyey 170-qof, mana kala cadda tirada guud ee Rakaabkii la socday Doonidaasi, inkastoo ay Saraakiisha ku qiyaaseen dhowr boqol oo qof.

 

Bishii la soo dhaafay ee April , ugu yaraan 167 qof ayaa ku geeriyootay labo shil dooni oo ka dhacay dalkaasi, oo ay aad ugu badan yihiin dadka ku le’da Doonyaha ku dega Harooyinka ku yaalla dalkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment