378 Views

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Talaado: April 12, 2022

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiinta XFS ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabada 12ka april oo ku beegan Sanad Guuradii 62-AAD Ee kasoo wareegatay Aas aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo dib-u- heshiisiinta Jeneraal Mukhtaar Xusseen Afrax ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda ee Ciidanka Xoogga Dalkeenna iyo xaasaskooda 62-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Waxaan marnaba la ilaawi karin geesiyaashii ku shahiiday ilaalinta sharafka Ummadeena iyagana Waxaan Allah uga baryaynaa inuu janadiisa ku galadeysto,inta dhaawaca ahna caafimaad ayaan Allah ugu baryayaa,Caruurtii ku agoomowdayna waxaan u rajeynayaa Daryeel Insha allah.

Ugu Dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa ku ammaanay kuna bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed sida ay naftooda ugu huraan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida Dalka, si muwaadiniinta soomaliyeed ay Nabad ugu naaloodaan Dalkooda, isagoona Wasiirka u rajeeyay guul iyo horumar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post