828 Views

Deni oo soo saaray liiska tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare

Deni oo  soo saaray liiska tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

.


Talaado: August 10, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray liiska tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Sooomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa soo saaray 22 musharax oo tartami doona 11-ka kursi ee Puntland ku matala Aqalka Sare, waxaana liiska ka soo muuqday xubno kamid ah Golaha Wasiirada Puntland.

Xubnaha liiska waxaa kamid ah Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade), Wasiirka Dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Abwaan, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ahaa Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo Daahir Ayaanle Siciid oo ah ganacsade ay madaxweynaha saaxiibo yihiin.

Liiska waxaa laga saaray xubno ka tirsan Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday oo ay ka mid yihiin Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdirisaaq Juurile.

Kuraasta Aqalka Sare saddex kamid ah waxaa ku tartami doona haween, waxayna Puntland buuxisay qoondada haweenka ee 30%.

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post