285 Views

Dad rayid ah oo lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay magaalada Mandi ee galbeedka Itoobiya

Dad rayid ah oo lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay magaalada Mandi ee galbeedka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 12, 2022

Dad rayid ah ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay magaalada Mandi ee galbeedka Itoobiya, oo qiyaastii 500km dhanka galbeed ka xigta caasimadda Addis Ababa, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen BBC.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqayntu ay maalintii Arbacada lasoo dhaafay ka dhacday magaalada ay maamulayeen malleeshiyaadka Oromada (OLA) maalmo un kadib markii ay dagaal la galeen ciidamada amaanka ee dowladda.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa qariyay ayaa BBC-da u sheegay in dowladdu ay bartilmaameedsanayso maleeshiyaadka balse dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badan yihiin dad rayid ah.

Qof kale oo ka mid ah dadka magaalada oo si qarsoodi ah ula hadlay BBC-da si uu ammaankiisa u ilaaliyo ayaa ku sheegay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqeyntaasi ugu yaraan 20 qof.

Waxa uu sheegay in ku dhawaad ​​7 ilaa 8 qof ay isla markiiba dhinteen halka 13 kalena la dhigay isbitaalka oo ay halkaasi ugu geeriyoodeen dhaawacyadii soo gaaray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post