1230 Views

Askari ka tirsan ciidamada Dowlada oo Askari kale ku dilay Beled-Xaawo.

Askari ka tirsan ciidamada Dowlada oo Askari kale ku dilay Beled-Xaawo.
____________________________________________________________________________

Sabti: February 12, 2022

Wararka ka imaanayo Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya uu Askari kale ku dilay Gudaha Degmada Belee-Xaawo.

Askariga la dilay ayaa Magaciisu waxa uu ahaa Allah unaxariistee Aadan Suufi kaa oo katirsanaa Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, waxaana dilka u geeystay askari kale oo ay kawada Tirsanaayeen Ciidamada Dowladda ee Beled-Xaawo ku sugan.

Askariga dilka geystay oo isku dayay inuu Goobta ka baxsado ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidamadii uu katirsannaa,waxa ayna haatan wadaan baritaan dheeri ah oo la xiriira Sababta uu dilay Askariga kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post