3321 Views

Kenya oo bilowday darbiga ay ka dhiseyso xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya

Kenya oo bilowday darbiga ay ka dhiseyso xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 16, 2016: Dowladda Kenya ayaa bilowday dhismaha darbi weyn oo ay ka dhiseyso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo ciidamo fara badan soo dhoobtay xuduuda, si ay u sugto ammaanka goobaha darbiga laga dhisayo, ayadoo raja ka leh in ciidamadeeda ay iska caabin karto Shabaaka.

 

Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo Yuusuf Kaante ayaa sheegay in Kenya ay xirtay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca Gobolka Gedo, isla markaana aanu jirin wax isu socod ah oo u dhaxeeya Beled-Xaawo iyo Mandheera. Sidaas darteed ayaa Kenya ka baqeeysaa in la qarxiyo dayaaradaha qaadka u qaado Soomaaliya.Arrintaas ayaa keeni karto in dhaqaalaha Kenya ka soo gala qaadka loo gaysto dhibaata weyn.

Waxaa uu sheegay in xiritaanka xuduuda ee dhanka Gobolka Gedo ay saameyn ku yeelatay ardaydii wax ka baran jirtay Mandhera.

Yuusuf Kaante ayaa sheegay in ciidamada la soo dhoobay xuduuda ay aaminsan yihiin inay sugayaan amniga goobta ay Kenya ka dhiseyso darbiga weyn.

Kenya ayaa horay u sheegtay inay darbi ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay uga hor-tagto weerarada Al-Shabaab ka geysanayaan gudaha dalkeeda.

Hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay tallaabada Kenya ay uga dhiseyso xadkeeda darbi weyn, taasoo ku tilmaamtay mid saameyn ku yeelan kara xiriirka labada dal.

Kenya tillabta ay qaaday waa mid ayada kaliya dhibaata u keeni karta. Waxaa suurta gal ah, arrintaan in ay midayso Al-Shabaab iyo bulshada Soomaaliyeed ee deggan xuduudka Kenya iyo Soomaaliya.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment