1707 Views

Danjire Tarsan “ Madaxweyne farmjaajo waxaan ugu baaqayaa in uu is casilo oo uu xilka ku Warejiyo Rooble

Danjire Tarsan  “ Madaxweyne farmjaajo waxaan ugu baaqayaa in uu is casilo oo uu xilka ku Warejiyo Rooble
____________________________________________________________________________

.

April 30-2021

Safiirka Somaliya ee Kenya  danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday farmaajo in uu is casilo.

Tarsan oo farnaajo ay yihiin saaxiibo isku dhaw, ayaa ugu baaqay intii uu dalka bur buri lahaa in uu is casilo, maadaana uu soo qabtay wixii uu soo qaban karo qalad ama sax.

“ Waxaan rabaa in aan Umada Soomaaliyeedc madaxda Soomaaliyeed iyo kuwa hada ay ku jirto in ay dalka qabtaan, waxa ka jira Muqdisho lagama aamusi karo laakiin waxaan rabaa rayigayga in aan ku Biiriyo xaalada dalka ee adka u adag”ayuu yiri danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

“ Wadankaan in Dagaal la galiyo maahan qofkii ku fakarayo taas ma dhacayso, Saldanada iyo Xukunka awood iyo Xoog laguma gaaro”ayuu yiri mar kale tarsan oo la hadlayay farmaajo.

 “ farmaajo dadka waa ku Jecelyihiin hadana waa in aad xaalada miisaantaa, karaamo ayaad ku soo gashay waa in aad karaamo uga baxdaa, inta aan karaamada lagaa qadin waa in aad is casishaa oo bari aad tiraah waan is casilay, oo Talada aad ku wareejisaa Raisal was are Rooble ”ayuu mar kale danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kula taliyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaaj.

sidoo kale hadalka tarsan ayaa imaanaya Xili bari lagu wado in uu Baarlamaanka hor tago Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo oo lagu wado in uu is casilo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post