753 Views

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo u sheegay Ukraine in ay siyaabo kale u caawin karaan

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo  u sheegay Ukraine in ay siyaabo kale u caawin karaan
____________________________________________________________________________


Talaado: May 10, 2022

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay Ukraine in ay siyaabo kale u caawin karaan, balse aysan sahlanayn in ay kusoo biiraan Midoowga Yurub.

Ruushka ayaa Ukraine ugu duuley sababo uu ku sheegay halis amni oo uga imanaysa damaca dalkaasi ee ah ku biirista Midoowga Yurub iyo Gaashaanbuurta NATO.

Ukraine ayaa si cusub u dalbatay ku biirista Midoowga Yurub dhawr maalmood kadib markii Ruushka uu ku duulay dalkaasi.

Codsiga ayaa qaata muddo sanooyin ah, iyada oo dalka xubinta ka noqonaya Yurub looga baahanyahay in uu soo buuxiyo shuruudo badan.,

Macron ayaase soo jeediyay in la abuuro isbahaysi kale oo ogolaanaya in ay qeyb ka noqdaan dalalka aan Midoowga Yurub ka mid ahayn, kaas oo wax looga qabto arrimaha amniga, balse reer Yurubna ay qeyb ka yihiin.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post