957 Views

Midowga Afrika oo war Kasoo saaray dagaalka ka socda Ukraine.

Midowga Afrika oo war Kasoo saaray dagaalka ka socda Ukraine.
____________________________________________________________________________

 


Sabti:February 26, 2022

War qoraal ah oo Kasoo baxay Golaha Midowga Afrika ayaa looga hadlay Xiisada dagaal ee u dhaxeysa Dowladdaha Ruushka iyo Ukraine, waxaa ay dhinacyada ka dalbadeen xabbad joojin deg deg ah iyo  wada xaajoodyo siyaasadeed oo aan dib u dhac ku imaan, iyadoo ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobay, si caalamka looga ilaaliyo cawaaqibka ka dhalan kara dagaalka.

Sidoo kale, qoraalka Midowga ayaa lagu xusay in Xabad joojinta iyo wada hadalka ay dani ugu jirto  nabadda iyo xasilloonida xiriirka caalamiga ah iyadoo loo adeegayo dhammaan shucuubta aduunka, waxaa ay arrintaa ka muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin xaaladda aadka u daran ee khatarta ah ee ka jirta Ukraine.

Sidoo kale, Guddiga Midowga Africa waxaa uu ku booriyay madaxda Ruushka in uu ixtiraamo sharciga caalamiga ah , maadama laga maarmaan ama lama huraan tahay ixtiraamka sharciga caalamiga ah, madaxbanaanida dhuleed iyo madax banaanida qaranka Ukraine.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post