846 Views

Al-shabaab oo xalay weerar madaafiic ah ku qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur Dhuusamareeb

Al-shabaab oo xalay weerar madaafiic ah   ku qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Axad: August 22, 202

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xalay magaaladaas ay mar kale weerar madaafiic ah ku qaadeen dagaal-yahano loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Madaafiicda oo u muuqday kuwo magaalada bannaankeeda laga soo tuuraayay ayaa baqdin ku dhaliyay dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in inta badan madaafiicda loo ganay dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur, halkaasoo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa sheegay in madaafiicda ka dib ay rasaas xoogan ka dhacday aagga garoonkaasi, isla-markaana ay rasaastu u muuqatay mid ay labada dhinac isweydaarsanayeen.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga. Sidoo kale, kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post