927 Views

Wargeyska The Star oo sheegay Nin ka tirsan Al-Shabaab uu qarax is-miidaamin ah ku dilay labadiisa waalid

Wargeyska The Star  oo sheegay Nin ka tirsan Al-Shabaab uu   qarax is-miidaamin ah ku dilay labadiisa waalid
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 8, 2021

Sida uu qoray maanta wargeyska The Star oo ka soo baxaya Kenya oo soo xiganaya booliiska Kenya, ayaa sheegay in Nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab uu qarax is-miidaamin ah ku dilay labadiisa waalid iyo naftiisa, deegaanka Katito oo ka tirsan magaalada Kisumu ee dalka Kenya.

Is-miidaamiyaha oo magaciisa lagu sheegay Joseph Odhiambo Ondiek, loona yaqiin Pope, ayaa tegay guriga Petro Onyango iyo xaaskiisa Mary Atieno oo ay wehliso gabadhooda Nancy Aoko, wuxuuna kadib weydiiyey su’aalo. 

Waxyar kadib waxaa qarxay walxo qarxo oo uu xirnaa, halkaasi oo ay ku dhinteen isaga iyo labadiisa waalid oo ahaa 55 jir. Dhacdadan ayaa dhacday habeenkii Talaadada ee xalay.

Gabadha lamaanaha ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay qaraxa, lana geeyey isbitaalka. 

Ilo-wareedyo ka tirsan booliska ayaa The Star u sheegay in is-miidaamiyaha uu dhowaan kasoo laabtay kooxda Al-Shabaab, uuna adeegsaday walxo qarxa oo uu farsameeyey kadibna ku xirtay dhexda si uu isugu miidaamiyo waalidkiis. 

Sidoo kale Pope ayaa lagu warramay in sidoo kale uu 17-kii December 2020 isku dayey inuu gabar ay saaxiibo ahaayeen oo aheyd 16 jir ku dilo guriga ay kireysteen oo ku yaalla xaafadda Katito, sababo la xiriira inay sameysay galmo ka baxsan guurka. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post