744 Views

Maraykanka oo u oggolaaday in Diyaaradda 737 MAX ay dib u bilowdo duulimaadyada Maraykanka

Maraykanka oo  u oggolaaday in Diyaaradda  737 MAX ay dib u bilowdo duulimaadyada Maraykanka
____________________________________________________________________________

 –

Jimco: January 1, 2021  Dowlada Maraykanka ayaa u oggolaatay in Diyaaradda nooceedu yahay 737 MAX ay dib u bilowdo duulimaadyada gudaha wadanka Maraykanka.

Duulimaadkii ugu horeysay ayaa waxaa sameysay diyaaradan oo ay leedahay shirkadda American Airlines iyadoo isaga kala gooshtay magaalooyinka Miami iyo New York.

Diyaaraddan waxaa duullimaadyada laga joojiyay bishii March ee sanadkii 2019-kii kaddib markii ay labo shil dhaceen shan bilood gudahood.

Waaxda duulista hawada ee Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay mamnuucistii ka qaadday diyaaradda noocaas ah kaddib markii shirkadda soo saarta ee Boeing ay aqbashay shuruudaha cusub ee badbaadada.
American Airlines ayaa Talaadadii muujisay kalsoonida ay ku qabto diyaaradda 737 MAX.

“Diyaaraddan waxay ahayd mid ka tayo badan dhammaan diyaaradihii abid horay loo sameeyay. Aad baan ugu kalsooni qabnaa in diyaaraddan ay si nabad ah hawada ku mari karto,” ayuu yidhi madaxa American Airlines, Robert Isom.

31 Diyaaradood oo noocoodu yahay 737 MAX ayey hadda heysataa shirkadda American Airlines, kuwaasoo toddobo ka mid ah ay soo iibsatay markii xayiraadda la qaaday bishii November.

Mas;uuliyiinta Boeing iyo kuwa Amrican Airlines ayaa si wadajir ah u raadinayay in shacabka mar kale loo xaqiijiyo amniga diyaaraddaas, maadaama kalsoonidii lagala noqday wixii ka dambeeyay shilalkii uu dhiigga badan ku daatay.

Daraasad ay sameysay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu ogaaday in wax ka badan kalabar rakaabka ay walwal qabeen markii dib loo xasuusiyay labadii shil ee sababay in diyaaraddaas laga joojiyo duullimaadyada.

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post