630 Views

Wasiirka Isgaarsiinta oo ka qeybgalaya Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta oo ka qeybgalaya Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka
____________________________________________________________________________

.


Talaado: August 10, 2021

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Cabdi Sheekh Axmed, ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka oo ka furmay caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan.

Shirweynahan oo sanadkii hore u baaqday cudurka coronavirus awgiis, waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo khuseeya Boostada Adduunka, waxaana ugu weyn doorashada Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka iyo guddiyada ugu sarreeya Midowga, kuwaas oo howgali doona afarta sano ee soo socota.

Furitaanka kadib, Wasiirku wuxuu shir-doceed la yeeshay Agaasimaha xilka wareejinaya ee UPU, Bishaar Xuseen oo ururka madax ka ahaa sagaalkii sano ee la soo dhaafay, isagoo uga mahadceliyay kaalintii uu ka geysatay soo-nooleynta Boostada Soomaaliya iyo inay soo ceshato xubinnimadeedii.

Soomaaliya ayaa soo ceshatay xubinnimada buuxda ee UPU sanadkii 2019-ka, waxayna tani noqoneysaa doorashadii ugu horreysay ee madaxda Wasaaraddu ka qeybgalaan tan iyo burburkii dalka ka dhacay.

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post