1983 Views

RW Uganda “Al Shabaab Waxaan Ka Xoraynay 80% Dhulka Soomaalida”

RW Uganda “Al Shabaab Waxaan Ka Xoraynay 80% Dhulka Soomaalida”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Sebteembar 30, 2018 —Ra’isalwasaaraha Dalka Uganda Ruhakana Rugunda,ayaa Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ka horjeediyay khudbad uu kaga hadlayay amaanka Soomaaliya.

Mr Ruhakana Rugunda,waxaa uu golaha ka hor sheegay in howlgalka AMISOM ee 11ka Sano jirsaday uu leeyahay yidaddiillo fiican marka loo eego halka uu joogay billowgiisii.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay hadda howlgallo ka fuliyaan meelo aad uga fog caasimadda,halka markii hore ay gudaha Magaalada ka dagaallami jireen.

Madaxda Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayuu uga digay in ay ku deg degaan dhimista Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Waxaa uu intaas ku daray in amaanka Soomaaliya uu ku tiirsanyahay AMISOM,sidoo kalena howlgalladii ugu dambeeyay ay ka dhalatay natiijo togan oo la isku hallaeyn karo.

Wadashaqeynta Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ayuu sheegay in ay tusaale u tahay natiijada maanta taalla Soomaaliya.

Ra’isalwasaare Ruhakana Rugunda,ayaa soo jeediyay in inta Ciidanka AMISOM aan la dhimin marka hore la diyaariyo Ciidanka Soomaaliya lana qalabeeyo,iyada oo la hubana lagu wareejiyo amaanka dalka.

Waxaa uu ka digay in ka fiirsasho la’aan looga boxo Soomaaliya,taas oo uu sheegay in ay Al-shabaab u fududeyn karto in ay dhaqsi dib ula wareegaan Magaalooyinka muhiimka ah.

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment