615 Views

Ra’isul Wasaare Abiy ahmed “ Waan Aaseynaa Cadowga Ethiopia

____________________________________________________________________________


Sabti: November 27, 2021

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo wareysi siinayay warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa wacad ku maray Jimcihii shalay “in uu aasi doono” sida uu hadalka u dhigay cadowga Ethiopia.

Fariintiisii ugu horeysay tan iyo markii maalmo ka hor uu ku biiray jiidda dagaalka ayuu Mr. Abiy ku yiri, “Ilaa aan cadowga ka aasno, oo madax banaanida Ethiopia aan ka xaqiijinno, dib u laaban meyno.”

Hadalka Abiy ayaa ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Jabahadda TPLF ay guulo ka sheeganayaan dagaalka, iyagoo sheegay in toddobaadkan ay qabsadeen magaalo 220km oo kaliya u jirta caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Hadalka Abiy iyo sheegashada fallaagada ee dhulka cusub ee ay qabsadeen ayaa dhaliyay welwel caalami ah, iyadoo dalalka shisheeye ay ku amreen muwaadiniintooda inay ka baxaan dalka Ethiopia.

Warbaahinta dowladda ayaa soo warisay Arbacadii la soo dhaafay in Ra’isul Wasaare Abiy, oo horey u ahaa korneyl ciidama milatariga ah, uu tagay jiidda dagaalka si uu u hogaamiyo dagaal rogaal celis ah oo ka dhan mucaaradka, isagoo shaqaddii xafiiska ra’isul wasaaraha ku wareejiyay ku xigeenkiisa.

Wareysi laga sii daayay Jimcihii shalay kanalka Afka Oromada ee telefishinka dowladda ayuu Abiy Ahmed oo sanadkii 2019-kii ku guuleystay Abaal Marinta Caalamiga ah ee Nabadda (Nobel Peace Prize) ku sheegay in uu hubo in uu ku guuleysanayo dagaalka uu kula jiro TPLF.

Waxa uu sheegtay in milatarigiisu ay dib u qabsadeen magaalada Kassagita ayna qorsheynayaan in ay dib u qabsadaan degmooyinka Chifra iyo Burka ee gobolka Cafarta ee deriska la ah gobolka Tigray, ee saldhigga u ah TPLF.

“Cadowgu malaha awood iyo adkeysi ay nagula dagaallamaan. waanna ka guuleysaneynaa,” ayuu yiri Abiy.

Wareysigan ayaa la sii daayay saacado un ka dib markii dowladdu ay soo saartay sharciyo cusub oo ku aadan in xogta jiidaha dagaalka lala wadaago oo kaliya warbaahinta dowladda, taasi oo ka dhigan cunnaqabateyn ka dhan ah warbaahinta iyo wariyeyaasha madaxa banaan.

Khamiistii, Wasiirka Warfaafinta ee Ethiopia Kebede Dessisa ayaa ka codsaday Mareykanka inuu joojiyo sida uu hadalka u dhigay beenta uu ka faafiyo Ethiopia.

Hadalkiisa ayaa jawaab u ahaa war digniin ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo sheegayay in suurta gal ay tahay in Ethiopia ay ka dhacaan weeraro argagixiso.

Mr. Kebede, oo la hadlayay warbaahinta dowladda ee EBC ayaa yiri, “Mareykanku waa in uu ka waantoobaa beenta, dacaayadda, wararka aan jirin iyo meel ka dhaca u geysanaya Ethiopia.”

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo xoogagga mucaaradka ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi ayaa in ka badan hal sano dagaallamaya, waxaana dagaalkaas uu galaaftay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ku barakiciyeen, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu Arbacadii ku biiray furinta hore ee dagaalka.

Qaramada Midoobayna waxay ka digeysaa in colaaddan sanadka ka badan ka socota Ethiopia ay dhaxalsiisay malaayiin qof inay cuntadii ku yaraato oo qaar badanna ay galeenba xaalad macluul.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post