1185 Views

Wasiirka Cadaaladda oo sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay in ay daboosho baahida ay u qabto qareenno caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda oo  sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay in ay daboosho baahida ay u qabto qareenno caalamiga ah
____________________________________________________________________________


Axad: October 17, 2021

Wasiirka Cadaaladda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay in ay daboosho baahida ay u qabto qareenno caalamiga ah oo ka difaaca kiisas lamid ah dacwadda Badda.

Jaamac waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay difaaceen Qareenno Khibrad leh oo Ajaanib ah kuna baxay qarash, kaalinta Soomaalida ayuu ku tilmaamay in ay tahay fursad u furan si ay uga soo muuqdaan Fagaarayaasha.

 “Xaalad weliba oo dhacda waxaa laga barqaa Qiso, Ka wasaarad ahaan waa in aan diyaarsanaa Qareenno Soomaali ah oo fagaarayaasha Caalamiga ah ka diriri kara ay u baahan tahay Jamhuuriyadda Federaalka” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda XFS.

Xukuumadda uu katirsan yahay ayuu usoo jeediyay in ay xoogga saarto sidii ay u diyaarin lahayd Xeer ilaaliyaal & Qareenno ehel u ah difaaca Dacwadda Badda oo la’aantood ay fududahay in dhabbaha lagaaga tago sida uu hadalka u dhigay.

Keliya waxa lagu tartamayo oo ah Cilmi & waaya-aragnimo waxa uu soo jeediyay in ka faaiideysiga fursadaha muuqda ay muhiim u tahay guud ahaan Soomaalida gaar ahaan Dadka daraaseeyay Sharciga.

“Tartanku ma aha Xabad & dagaal Balse waa Cilmi iyo wixii aad baratay, haddii aadan heysan qareenno iyo khubaro sharci yaqaanno ah waxaa ku dardaraya Cadowga, maanta waxaa ilaah mahadi ah in aan helnay qareenno aqoon u leh oo qarash ku bixinay” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post