1116 Views

Sawirro:-Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somalia Oo Gaaray Magaalada Kampala Si Ay Uga Qeyb Galaan Shir Looga Hadlayo Arrimaha Qaxootiga

Sawirro:-Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somalia Oo Gaaray Magaalada Kampala Si Ay Uga Qeyb Galaan Shir Looga Hadlayo Arrimaha Qaxootiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  28, 2019 –Wafdi wasiiro ah oo gaaray magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda si ay uga qayb galaan shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga kaas oo ay soo abaabushay urur goboleedka IGAD.

Wafdiga wasiirada ah ayaa waxaa ka mid ah wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Khayr iyo wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka Mudane Xamse Saciid Xamse, sidoo kale waxaa ka mid ah wafdigan agaasimayaal ka socda wasaaradaha kala duwan ee dowladaha ku bahoobay ururka IGAD.

Qaxooti badan oo Soomaali ah ayaa ku nool dalalka deriska sida Ugandha,Kenya iyo dalal kale kuwaas oo u baahan daryeel iyada oo qaarkood ay u baahanyihiin in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment