888 Views

Maraykanka: 117,000 ayaan ka soo daadguraynay Kabul saacadihii la soo dhaafay

Maraykanka: 117,000 ayaan ka soo daadguraynay Kabul saacadihii la soo dhaafay
____________________________________________________________________________

 


Sabti: August 28, 2021

Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa ka warbixiyay daadguraynta ka socota garoonka diyaaradaha ee Kabul

Jananka howlgalada daadguraynta Maraykanka u qaabilsan Gen William Taylor ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay Afghanistan kasoo qaaden 117,000 kun oo qof.

Waxaa uu sheegay in 1,400 oo qof maanta la diiwangeliyay haatan ay sugayan inay diyaaraduhu daabulan.

Balse dad kale oo badan oo reer Afghanistan ah ayaa ku soo xoomayay garoonka iyadoo ay soo dhowaatay muddada kama dambeysta ah ee ciidamada Mareykanka loo qabtay inay uga baxaan dalkaasi oo ah 31 August.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ballan qaaday dhammeystirka howlgalka, isagoo intaas ku daray “nama carqaladeyn doonaan argagixisada”

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post