1029 Views

SAWIRO:-Saraakiil gaartay deegaan lagala wareegay Ahlusunna

SAWIRO:-Saraakiil gaartay deegaan lagala wareegay Ahlusunna
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 03, 2019–Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo kamid ah deegaannada ay horay Gacanta ugu haayeen Ahlusunna balse ay la wareegeen Ciidamada dowladda ayaa waxaa gaaray Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

 

Saraakiisha Taliska Qaybta 21-aad sida Taliyaha Qaybta Gen: C/Casiis C/llaahi “Qooje” iyo Taliyaha Guutada 15-aad Gen: Mascuud Maxamed oo uu wehliyo Agaasinka Nabadsugida gaarka ah ayaa gaarey Saldhiga Degmada Guriceel iyo goobo Kale oo amaankooda ay la wareegeen Ciidamada Dowlada Faderaalka.

 

 

Saraakiishaan ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Hoggaanka Dhaqanka ee degmada Guriceel iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment