657 Views

Baadari Desman Tutu oo ku guuleystay abaal marinta biladda Nabadda “Nobeldada 90 sano.

Baadari Desman Tutu oo ku guuleystay abaal marinta biladda Nabadda “Nobeldada 90 sano.
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

 Baadari Desman Tutu, oo ku guuleystay abaal marinta biladda Nabadda “Nobel”, kaasoo gacan ka geystay soo afjaristii nidaamkii midab takoorka dalka Koonfur Afrika, ayaa ku geeriyoodey dada 90 sano.

Madaxweyne Siral Ramafosa, ayaa sheegay in dhimashada wadaadkii kuxirnaa kaniisadda ay astaan u tahay murugo kale, oo la xiriirta sagootinka qaranka Koonfur Afrika, iyo jiilkoodii caanka ahaa.

Wuxuu intaa ku darey in Baadari Tutu uu qeyb weyn ka ahaa in dalkani laga xoreeyo nidaamkii midab takoorka ahaa.

Tutu wuxuu kamid ahaa dadka sida weyn looga yaqaaney dalka Koonfur Afrika gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Sanadkii 1984-tii, waxaa la guddoon siiyey Tutu abaal marinta nabadda ee Nobel-ka, doorkii uu ka qaatey halgankii lagu baabi’inayey nidaamkii midab takoorka ahaa.

Dhimashada Tutu ayaa kusoo beegantey toddobaadyo un kadib, markii uu geeriyoodey madaxweynihii ugu danbeeyey ee dowladdii midab takoorka ee Koonfur Afrika, FW Di Kalar, oo ku dhintey dada 85 sano jir.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post