660 Views

Walaalo iyaga oo dhalinyaro ah is waayay oo kulmay iyaga oo waayeel ah

Walaalo iyaga oo dhalinyaro ah is waayay oo kulmay iyaga oo waayeel ah
____________________________________________________________________________

Sabti: January 29, 2022

Walaalahan oo lagu kala magacaabo Maxamed Siddiq iyo Maxamed Sika Khan, ayaan is arag tan iyo markii ay dhacaday kala qaybintii dalalka Pakistaan iyo Hindiya,hadda ayayse u suurta gashay inay kulmaan. Safaaradda Pakistaan ay ku leedahay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya ayaa dal ku gal siisay Sika Khan si uu booqosho ugu tago walalkii .Helitaanka dal ku galka ayaa Maxamed Sika Khan, u suurta galinaysa hadda inuu la kulmo qoyskiisa oo ku sugan dalka Pakistan.

Labadaan walaalaha ah ayaa ku kulmay bishaan gudaheeda 74 sano kadib deegaanka Kartarpur Darbar Sahib ee dalka Pakistan. Markii safaaradda Pakistan ee New Delhi, ay siisay dal ku galkeeda Maxamed Sika Khan, ayaa waxaa uu sheegay in sheekada isaga iyo walaalkii ay muujinayso sida ay isugu soo dhawaanayaan shacabka labada dal kadib markii la furay marinka Kartarpur Sahib bishii Nufeember ee sanadkii 2019-kii.

Wuxuu uga mahadceliyay dowladda Pakistan ee hoggaamiye ra”iisul wasaare Cimraan Khan go’aanka ay ku siiyeen dal ku galka si uu ula kulmo walaalkii muddo dheer kadib “Aad ayaan ugu faraxsanahay” ayuu yiri Maxamed Sika Khan. Wuxuu intaa ku daray in qoyska oo dhan ay faraxsanyihiin isla markaana ay u mahadcelinayaan cid walba oo arrintooda qayb ka qaadatay .

Mas’uuliyiinta saraafadda Pakistaan ee dalka Hindiya ayaa sheegay inay la kulmeen Sika Khan uuna uga mahadceliyay howshaan ku abuurtay faraxdda ee ah dib ula kulmidda ehelkiisa.

Walaalahan ayaa kala dhumay markii ay dhacday kala qaybintii Pakistan iyo Hindiya xilligaas oo ay qoyskoodu u hayaameen Pakistaan isla markaana aabbahood uu geeriyooday . Siddiq iyo walaashii ayaa gaaray Pakistan. Sika Khan oo loo yaqaannay Xabiib Khan ayaa la joogay hooyadii oo mar dambe geeriyootay.

Wali si fiican uma xasuustaan siday wax u dhaceen. Balse 75 sano ka dib, labadan nin ee walaalaha ah waxay ku kulmeen marinka Kartarpur. Tani waa mid ka mid ah sheekooyinka hadal haynta badan dhaliyay ee ka dhashay kala qaybintii keentay inay dad ehel ah kala baadaan

Waxaa ay shegeen walaalahaan in kulankoodaan haddii uu xitaa noqdo saacadihii nolashooda ugu dambeyay uu meesha ka saarayo xanuunkii ay dareemayeen ee kala maqnaantu ay keentay.

Kulan farxadeed

Nasir Dhillon, oo goob joog ka ahaa kulanka qoyskaan ayaa sheegay inuu ahaa kulan xambaarsanaa faraxd iyo hilow badan maadaama ay walaalahaan muddo kala maqnaayaan waxaana ka qayb galay munaasabadda is araggooda boqal qof . Mid kasta oo ka mid ah waxaa indhiisa buuxiyay ilmo taa oo xitaa saameysay dadkii goob joogga ahaa.

Sanado badan kadib walaalahaan ayaa xiriirkoodii ugu horreyay wuxuu soo bilowday laba sano ka hor kuwaas oo aan iskula xiriirin qaab muqaal ah oo cod mooyee aan horey isugu arag hab muuqaal ah hadda ka hor .Maxamed Siddiq ma garanayo sida loo isticmaalo telefoonnada gacanta ee Mobaile-ka balse carruutiisa iyo dadka xaafadda ayaa ka caawiyay arrintaa.Sidee ku dhacay xiriirku?

Maxamed Siddiiq ayaa sheegay inuu xasuusto sida ay ku dhacday is waayiddii isaga iyo walaalkii.Waxaa uu yiri:, “Qalbigeyga mar walba waxaan ka dareemi jiray in walaalkey uu noolyahay , waxaan doonayay inaan arko isaga, xitaa waxaan ku raadiyay siyaabo kala duwan.”

Wuxuu intaa raaciyay sheekada isaga iyo walaalkii laga oogaa halka uu ku noolaa. Wuxuu sheegay in Nasir Dhillon uu laba sano ka hor u yimid isla markaana uu ka qaaday waraysi muuqaal ah uuna waydiyay su’aalo la xiriira maqnaashiyaha walaalkii. Maalmo kadib baahinta muuqaalkaas ayaa lagu wargaliyay in walaalkii la helay kadibna wuuba la hadlay.

Dadka yaqaanna qoyska walaalahaan ayaa dhamaantood isku raacay in sheekada labadaan nin ay noqtay mid caan ah oo dad badan ay la socdeen. Balse muddo badan kadib hadda ayay iyaga oo waayeello ah ay dib isu heleen, wuxuuna kulankoodu ahaa kulan dhaliyay farxad dawo u noqtay murugo muddo badan ay dareemayen walaalahaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post