339 Views

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka digay dunida iney halis ugu jirto isticmaalka hubka Nukliyerka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo  ka digay dunida iney halis ugu jirto isticmaalka hubka Nukliyerka.
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 1, 2022

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay dunida iney halis ugu jirto hubka Nukliyerka.

Antonio Gutteres wuxuu sheegay khatarta dunida ku soo fool leh iney tahay tii ugu adkeyd oo dunida soo wajahdo tani iyo marki uu dhammaaday dagaalki qaboobaa.

Wuxuuna carrabka ku dhuftay khatarta jirta iney uga sii dartay duullaanka Ukraine, xiisadda ka taagan Gacanka Kuuriya iyo Bariga dhexe.

Gutteres ayaa hadalkaasii sheegay mar uu ka hadlayey shir ay lahaayeen waddamada saxiixay Nukliyerka.

Wuxuuna waddamadasi uu ugu baaqay iney heshiiska Nukliyerka sii xoojiyaan ayna ka shaqeeyaan sidi dunida looga badbaadin lahaa khatarta hubka Nukliyerka uga iman karto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post