780 Views

ICG “ Waxaa suura-gal ah inay Ikraan fashilin rabtay xog ku saabsan dhalinyaradii tababarka loogu qaaday Eritrea

ICG “ Waxaa suura-gal ah inay Ikraan fashilin rabtay xog ku saabsan dhalinyaradii tababarka loogu qaaday Eritrea
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 15, 2021

Warbixin meelo badan taabanaysay oo lagu daabacay bogga Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah ee (ICG) ayaa kiiska IkraanTahiliil waxa ay la xiriiriyeen arrintii muranka badan dhalisay ee ku saabsanayd dhalinyarada tababarka ciidan loogu qaaday dalka Eritrea.

Waxaa warbixinta lagu yiri ” waxa laga yaaba in sarkaalad Ikraan ay rabtay inay shaaca ka qaado ama fashiliso xog ku saabsan arrinta muranka badan dhalisay ee ciidamada Soomaalida ee tobabarka Eritrea loogu geeyay.” 

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u beenisay wararka ku saabsanaa in ciidamo Somaali ah oo tababar u joogay sida la sheegay dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ak dhacay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itobiya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post