747 Views

Wasiir Israa’iili ah oo ka gali waysay illinka shir caalami ah

Wasiir Israa’iili ah oo ka gali waysay illinka shir caalami ah
____________________________________________________________________________


Talaado: November 2, 2021

Wasiir katirsan Golaha Wasiirada Israa’iili ah, ayaa sheegtay iney ka qeyb gali weysay Isniintii shirka madaxeedka caalamiga ee cimilada, kaasoo ka dhacaya magaalada Galaskow ee dalka iskotlan.

Sababta ka qeyb gal la’aanteeda, ayey la xiriirisay in aaney u saamaxeyn in kursigeeda dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ay saaran tahay, inaaney la geli karin goobta uu shirka ka socdo.

Karine Elharrar, ayaa ku qortey barteeda Twitter-ka, iney tahay wax laga xumaado, in shir caalami ah oo ay soo qaban qaabisay Jimciyadda Quruumaha Kadhaxeysa, aanu laheyn adeegyada dadka lixaadkoodu dhameyn.

Sargaal kamid ah wafdiga ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Naftali Bennet, ayaa sheegay in arrintani cabashadeeda ay u gudbiyeen qaban qaabiyayaasha shirka.

Ra’iisal wasaare Bennet, ayaa carabka ku dhuftey inaanu ka qeyb galeynin shirkani Talaadada, oo maanta ah, haddaaney wasiiraddiisa Elharrar aaney helin adeegii u fududeyn lahaa iney kaqeyb gasho shirka.

Safiirka u fadhiya Israa’iil dalka Ingiriiska, Neel Wigan, ayaa iyana ku qortey barteeda Twitter-ka, iney si buuxda uga raalli galineyso wixii dhacey wasiir Elharrar.

Waxey intaa raacisay safiiradda iney doonayaan shir madaxeedku inuu noqdo mid gacmo furan kusoo dhoweynaya qof kasta, noocuu doonaba ha noqdee.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post