3426 Views

Natiijada Doorashadii Maamulka Somaliland oo lagu dhawaaqay

Natiijada Doorashadii  Maamulka Somaliland oo lagu dhawaaqay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | 21 November 2017 –Guddiga Doorashada Somaliland ayaa galabta ku dhawaaqay Natiijada Doorashadii Todobo maalmood ka hor ka dhacday degaanada maamulka Somaliland, kadib Munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa.

Munaasabadda Natiijada Doorashada lagag dhawaaqayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxda maamulka, Guddoomiyeyaasha xisbiyadii tartamayay, Kormeerayaal,xubno ka socday Beesha Caalamka iyo xubno kale.

Guddiga Doorashada ayaa wuxuu sheegay in ay codeeyeen dad gaaraya 556,617 oo qfo, waxaana xumaaday codad gaaraya 1475 cod, Guddiga sidoo kale waxay tilmaameen Saddex degaan oo ka tirsan Somaliland in aysan ka dhicin Doorasho, sababo amni daro awgeed.

Guddiga Doorashada maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegeen ugu dambeyn Doorashadii ka dhacday Somaliland 13-kii bishan in uu ku guuleystay Muuse Biixi Cabdi, oo noqday Madaxweynihii 5-aad ee Somaliland.

Sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashada Somaliland, Muuse Biixi Cabdi codadkii uu helay waxay u dhigantaa boqoleyda 55.19%, iyadoo Xisbiga Waddani uu helay 40.73%, halka Xisbiga UCID uu helay 4.17%.

Sidoo kale Guddiga Doorashada Somaliland ayaa waxa ay sheegeen Madaxweyne ku xigeenka 5-ta sano ee socota inuu ahaan doono C/raxmaan C/laahi Saylici.

Muuse Biixi oo ku jira Da’da Lixdameeyada ayaa ka guuleystay xisbiyada Wadani iyo UCID oo ay u kala tartamayeen C/raxmaan C/laahi Cirro iyo Feysal Cali Waraabe, waxaana C/raxmaan Cirro uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn Natiijada Doorashada.

Guud ahaan degaanada Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa waxaa ka socda dabaaldegyo iska soo horjeeda, shacabka qaarkood waxay taageersan yihiin guusha Muuse Biixi, halka qaarkoodna ay ka soo horjeedaan Natiijada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment