654 Views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid denni oo kulan la qaatay xubno ka socday Dalka Sweden.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland   Saciid denni oo kulan la qaatay xubno ka socday Dalka Sweden.
____________________________________________________________________________

Isniin: June 6, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda SILC (Swedish International Liberal Centre) ee dalka Sweden, oo ay hoggaaminayso marwo Amanada Valentin uuna qeyb ka yahay Siyaasi Cabdulqaadir Salaad Cali Loonge oo ka mid ah Xisbiga Liberal ee Dalka Sweden.

Kulanka ayaa looga hadlay hirgelinta Doorasho Qof iyo Hal cod oo Dowlad Goboleedka puntland ka qabanayso degmooyinka Puntland, isla markaana ay door muhim ah ka qaadanayso Hay’adda SILC oo ka shaqeysa arrimaha Dimuqraadiyadda.

Hay’adda SILC (Swedish International Liberal Centre) ee dalka Sweden ayaa madaxweynaha Puntland u banan qaaday in ay gacan weeyn ka geeysan doonto sidii ay u dhici la heeyd Dooraho qof iyo cod ah oo ka dhacda degaanada iyo degmooyinka Puntland.

Ugu danbeyntii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadceliyey garab istaagga ay u fidiyeen Maamulkiisa  iyo sidii u uqaban lahaa doorsho qof iyo cod ah.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post