618 Views

Turkiga oo xiray 9 ruux oo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Daacish

Turkiga oo xiray 9 ruux oo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Daacish
____________________________________________________________________________


Sabti: January 15, 2022

Ciidamada ammaanka Turkiga ayaa xiray 9 qof oo heysta dhalashada Ciraaq, kaddib markii lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ururka “Dowladda Islaamka”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Wararka ayaa intaa ku daraya in “Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Ankara ay soo saartay go’aan lagu soo qabtay 15 Ajaanib ah oo ka tirsan Daacish”, waxayna xuseen in ciidamada ammaanku ay saaka sameeyeen howlgal isku mid ah, kaasoo lagu soo qabtay 9 qof oo u dhashay dalka Ciraaq.

Ilaha ammaanka ayaa daaha ka qaaday in “maxaabiista ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen gudaha dalkaasi, waxayna sii wadeen inay la xiriiraan kuwa kusugan aagagga iskahorimaadyada ka dib markii ay soo galeen Turkiga.”

Wakaalada Anatol ayaa sheegtay in maxaabiistan la filayo in loo gudbiyo hoggaanka socdaalka ee caasimadda, si loogu diyaar garoobo masaafurintoodi dalka Iraq.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post