240 Views

Geesi isu xilqaammay daryeelka iyo daweeynta dadka dhimirka ka xanuunsan

Geesi isu xilqaammay daryeelka iyo daweeynta dadka dhimirka ka xanuunsan
____________________________________________________________________________

Sanad walba 10ka bisha oktoober dunida oo dhan waxaa looga dabbaal degaa  maalinta caalamiga ah ee xanuunka dhimirka.

Hey`adda qaramada midoobey u qaabilsan caafimaadka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa halku-dhigga sanadkaan u aqoon satay in xuquuq calami yahay caafimaadka dhimirka.

Dr Cabdiraxman Cali Cawaale [Xabeeb ] oo dhowr xarumood oo lagu dabiibo dadka dimirka ka xauunsan ka hirgaliyay dalka isla markaana muddo dheer waqti iyo dadaal xoog leh ku bixinayay daweynta iyo daryeelka dadka soomaaliyeed ee dhimirka ka xanuunsan ayaa bilan media la wadaagay duruufaha adage e xilligani wajahayaan bukaanada dhimirka ka xanuunsan ee xaruntiisa ku nool.

“Bulshadu wey iska illoobeen daryeelka iyo duruufaha adage e ay ku noolyihiin dadka qaba xanuunada dhimirka, marka xarunta laso gaarsiiyo kadib waxaan u sammeynaa daryeel, daweyn iyo inaan dejinno xaaladdooda” ayuu yiri Dr Xabeeb.

“Si arxan daran ayaa loosoo xir-xiraa marka ay noo keenayaan, waxaan rummeysanahay in 170 kun ay miyaga iyo magaalooyinkaba sidaan ugu xir xiran yihiin oo aysan heysan daryeel caafimaad” ayuu raaciyay.

Dhinaca kale Caa`isho Muuddeey oo kmaida gabdhaha dhalinyarada ah ee u dhaq-dhaqaaqa xanuunada dhimirka dhinaca kalena ah dhaqtar dhimir ayaa sheegtay in haweenka si gaara loo eego marka la joogo xaaladdan, maadama ay yihiin kuwo aad u nugul duruufo badan oo dhinaca bulshada ahna daris la yihiin.

 “ Waxaa jiro marxalado badan oo qofka ku sababi karo in uu qaado xanunkaan, sida  kufsiga,gabadha haddii la kufsado badanaa ceebta iyo eedeyntu waxa ay si gaara u fooshaa  gabdhaha marka marwalba dhibaatoyinka dumarka so maro saammeyn ayuu ku reebaa badankoodna xaaladahaas kuwo dhimir ayeey isku badalaan”

Waxaa  dib loo hawl galiyay muddo dheer kadib isbitaalki guud ee dhimirka ee Nasereti, hase yeeshee  waxa jira caqabado uu wajahayo sida uu sheegay agasimaha guud ee isbitaalka  Mohamed Jacfar Cali

Isbitaalka sida aad ka arkeysaan waxaa ka muuqda bur-bur, mana u dhammeystirna dhammaan agabkii iyo dawooyinkii loo  baahnaa ee loogu adeegi lahaa bukaanada ku jira ee dhimirka ka xanuunsanaya, naadaafad darro iyo in isbitaalku uusan gabigiisba u diyaarsaneyn shaqadii loogu talo galay ayaa haddana usii dheer” Agaasime Jacfar ayaa sidaas yiri.

___________________________________________________________________

Kiin Xasan Fakat, Bilan Media Reporter

___________________________________________________________________

Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post