720 Views

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo cambaareeyay af-duubka iyo dilalka magaalada Nairobi ka dhacay

Xildhibaan Yuusuf Xasan   oo  cambaareeyay af-duubka iyo dilalka magaalada Nairobi ka dhacay
____________________________________________________________________________

June 20 2021

Xildhibaan Yuusuf Xasan, oo laga soo doorto degmada Kamukunji, ayaa si adag u cambaareeyay dhacdooyinka af-duubka ah iyo dilalka ah ee maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Nairobi.

Degmada Kamukunji, waxa  tirsan xaafadda Islii oo ay ku badan yihiin Soomaalida ku nool magaalada Nairobi, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay wajahayay af-duub iyo dilal, islamarkaana qaarkood weli la la’yahay.

xildhibaan-yuusuf-xasan-oo-si-adag-u-cambaareeyay-af-duubka-lagu-hayo-soomaalida-ku-nool-gM Dadka weli af-duubkaas lagu la’yahay oo afar qof ah, saddex kamid ah waa gabdho, waxaana jirtay in qaar kale madax-furasho lagu sii daayay sida ay sheegeen Eheladooda.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa dhacdooyinkii u dambeeyay ee lagula kacay Soomaalida, wuxu ku tilmaamay kuwa aan marnaba la aqbali karin isagoo si adag u cambaareeyay falalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post