987 Views

Masar oo 10 kamid ah gawaarida gurmadka deg deg ah u dirtay marinka Qaza si ay u soo qaadaan dhawacyada falastiin

Masar oo  10 kamid ah gawaarida gurmadka deg deg ah u dirtay marinka Qaza si ay u soo qaadaan dhawacyada falastiin
____________________________________________________________________________

 May 15 2021

Masar ayaa 10 kamid ah gawaarida gurmadka deg deg ah u dirtay marinka Qaza si ay usoo daabulaan dadka ku dhawaacmay duqeymaha Israa’iil si loogu daweeyo cisbitaallada Masar, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Gawaarida gurmadka deg deg ah ee Masar ayaa ka tallaabay xadka Rafah.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in gawaari kale oo gurmad ah ay u dirtay Qaza kuwaas oo la filayo in xilli dambe ay gaaraan halkaas.

Waxaa lagu wadaa in dadka dhaawac ah ay qaabilaan saddex cisbitaal oo ku yaalla Masar, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha iyo saraakiisha caafimaadka.

Saraakiisha ku sugan Qaza waxay sheegeen in 950 qof ay ku dhawaacmeen tan iyo Isniintii oo dagaallada ka qarxeen halkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post