2139 Views

Sheekh Umal “Soomaalida Qur’aanka hoos u dhac baa jira gaar ahaan xifdiga

Sheekh Umal  “Soomaalida Qur’aanka hoos u dhac baa jira gaar ahaan xifdiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 14  2021

Waxaa shalay dalka Kenya lagu soo gabogabeeyey tartan xifdiga Qur’aanka kariimka ah oo ay dalal badan oo Afrikaan ahi ka qayb galeen, hase yeeshee arinta Soomaalida Kenya iyo guud ahaan ba Muslimiinta dalkan la yaabka ku noqotay ayaa ah in ay kaalmaha hore ay galeen arday ka socotay wadamada Galbeedka Afrika ee Nigeria iyo Senegal, walow Soomaalidu si iyagu markii hore kaalmahaa isu siinayeen.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ahaa gudoomiyaha guud ee gudida qabanqaabada tartankan ayaa BBC u sheegay inay u muuqato in tayada macaliimnta dugsi Qur’aanka ay hoos u dhacday.

“Waagii hore Qur’aanka waxaa macalin ka noqon jiray oo dadka bari jiray dad u tababaran oo iyagu laftoodu Qur’aanka laga soo saxay laakiin waayahan dambe waxaa galay Qur’aankii bariddiisii dad badan oo iyagu laftooda aan laheyn tayadii ay wax ku bari lahaayeen”

“Waxaan is leeyahay waayahan dambe soomaalida Qur’aanka hoos u dhac baa jira gaar ahaan dhanka xifdiga iyo in ilmaha carabka laga saxo oo Qur’aanka si fiican uu u akhriyo laakiin anaga sanadkan iyo sanadkii xigayba xoggaa waxaad moddaa kaalintoodi inay hoos u dhaceen waxay arrintaas tilmaameysaa in uu jiro hoos u dhac” ayuu yiri Sheekh Umal.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post