1269 Views

SAWIRO: Faahfaahin Qarax gaari oo maanta ka dhacay Muqdisho

SAWIRO: Faahfaahin Qarax gaari oo maanta ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 23, 2019 –Gaari nooca raaxadda ah oo lagu xiray waxyaabaha Qarxa ayaa maanta ku qarxay Isgoyska Soobe ee Muqdisho gaar ahaan kasoo horjeedda Hoteelka Safaari.

 

Qaraxa oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay degmooyinka Wadajir iyo Hodan, ayaa ahaa gaari lagu baakimay kasoo horjeeda Hoteelka ka dibna la sheegay in lagu xiray waxyaabaha Qarxa.

 

 

 

Inta la xaqiijiyay hal qof oo dumar ah oo mareysay goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudud.

 

Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay ruux ay sheegeen in ay ku tuhmaayaan in uu yahay Midkii gaariga Qaraxa ku xiray, islamarkaana hadda ay baaritaano ku waddaan.

 

Ruuxii lahaa gaariga Qarxay ayaa nabad qaba, waxaana wali la shaacin Magaciisa iyo xilka uu haayay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment