702 Views

Puntland oo xukuno ku riday dhalinyaro & Kuwo ka ganacsan jiray mandooriyaha

Puntland oo xukuno ku riday dhalinyaro & Kuwo ka ganacsan jiray mandooriyaha
____________________________________________________________________________

Talaado: April 26, 2022

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal ee Puntlan ayaa maanta xukun ku riday dhalinyaro Dadka ku dhici jiray magaalada Garoowe & Kuwo ka ganacsan jiray mandooriyaha xashiishka oo ay ciidamada boolisku kusoo qabteen howlgallo qorsheysan ay ka sameeyeen Magaaladaas.

Taliska boolika Gobolka ayaa sheegay in iyaga oo ku guuda jira howlgallo ay usuurta gashay inay gacanta kusoo dhigaan, waxaana ay maanta Maxkamadda Gobolka Nugaal ku riday xukuno kala duwan.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud Ayaa Sheegay inay hayaan kuwo kale oo hubkaan qarkood lagu soo qabtay isagoo sheegay in dhawaan ay sharciga ay horgayn doonaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay taliyaha in kuwo kalena ay xogtooda hayaan ciidamadu islamarkaana ay ku daba Jiraan Isaga oo xusay in cidii lagu qabto falalka noocan oo Kale in sharciga la horgayn doono, bulshaduna si ay u Baratana la shaacin doono Wajiyadooda.

Ugu dambeyn, G/sare Xussen Cali Maxamuud  taliyaha booliska gobolka Nugaal ayaa u Mahadceliyay ciidamada booliska ee shaqada adag Ku Jira, Iyado lagu guda jiro bishii barakeysneed ee Ramadaan, wuxuuna Sidoo kale u Mahadceliyay Bulshada Sida ay lamaha ammaanka ula shaqeyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post