975 Views

horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo shegay in ciyaartooyda Muslimka ah a affuraan inta ay ciyaarta socoto

horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo shegay  in  ciyaartooyda Muslimka ah a affuraan inta ay ciyaarta socoto
____________________________________________________________________________

May 4-2021

Maamulka horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa ku dhiirageliyay garsoorayaasha ciyaaraha habeenkii in ay kabtannada kooxaha kala hadlaan sidii ay ciyaartooyda Muslimka ah u affuri lahaayeen inta ay ciyaarta socoto, sida uu baahiyay Sky Sports.

26-kii April, kulan dhexmaray kooxaha Leicester iyo Crystal Palace ayaa muddo kooban la hakiyay si fursad ay ku affuraan ay u helaan laacibiinta kala ah Wesley Fofana iyo Cheikhou Kouyate oo labaduba soonnaa.

Goolhayaha Palace, Vicente Guaita ayaa muddo daqiiqad ka badan hakiyay kubad uu laadi lahaa, si labadaas laacib ay u affuraan kadibna ciyaarta u sii wataan. Labada kabtan ee kooxahaas ayaa arinkaa ku heshiiyay ka hor inta aanay ciyaarta billaaban.

Waxaa la rumaysan yahay in dhacdadaas ay ahayd tii ugu horreysay ee taariikhda kulan Premier League ah loo hakiyo si ay u affuraan ciyaartooy Muslimiin ah oo sooman bisha Ramadhaan.

Horyaalkaas ayaa waxaa ka ciyaara Muslimiin si wanaagsan diinta ugu dhaqma oo ay kamid yihiin Maxamed Salaax, Sadio Mané, Paul Pogba iyo kuwo kale.

Kooxda Manchester United ayaa barteeda Facebook ku qortay in laacibka Paul Pogba uu sonnaa kulankii ay la dheeshay Roma ee ay 6-2 uga badisay, isla markaana uu affuray ciyaarta oo socota.

Wesley Fofana ayaa ka mahadceliyay tallaabadaas, waxaana uu ku tilmaamay mid muujinaysa wanaaga kubadda cagta.

Kulamada habeenkii la cayaaro ee Premier League ayaa inta badan ku soo beegma xilliga affurka.

Horyaalka Heerka Labaad ee Turkiga

Laba todobaad ka hor, ciyaartooy dheelayay kulan ka tirsan horyaalka heerka labaad ee Turkiga ayaa daqiiqadii 11-aad fursad u helay in affuraan, kadib markii ciyaarta loo hakiyay dhaawac soo gaaray mid kamid ah laacibiinta.

Ciyaarta oo u dhexaysay GZT Giresunspor iyo Ankara Keciorengucu ayaa waxaa la arkayay afar kamid ah ciyaartooyda Ankara Keciorengucu oo garoonka dhexdiisa ku cunaya timir iyo muus, halka goolhayahooda uu cabayay biyo.

Ma aha markii u horreysay ee tan oo kale ay dhacdo. Sanadkii 2018, goolhayaha xulka kubadda cagta ee Tunisia ayaa iska dhigay inuu dhaawacmay si ay u affuuraan saaxiibaddiis.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post