1203 Views

Ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab oo lagu xukumay min 15 sano oo xabsi ah

Ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab oo lagu xukumay min 15 sano oo xabsi ah
____________________________________________________________________________

khamiis: September 23, 2021

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta min 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay laba eedeysane oo lagu helay inay ka tirsanaayeen maleeshiyada Al-Sbabaab, ayna ka caawin jireen qorista ajaaniibta ku soo biira, sida ay shaacisay warbaahinta dowladdu.

Labada nin oo uu kala dhashay waddamada Britan iyo Malaysia ayaa la sheegay inay ka qeybgaleen dagaallo maagaalooyin kala duwan ay ku gashay kooxda Al-Shabaab, waxayna muddo sanad ah ku xirnaayeen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidmada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaqay in Darren Anthony Byrness oo u dhashay Britan iyo Axmed Mustaqiim bin Cabdixamiid oo u dhashay Maleysia lagu xukumay midkiiba 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Raggan ayaa markii hore iskaga baxay Soomaaliya, laakiin dalka Yemen ayaa dib ugu soo celiyay xuduudda Soomaaliya, iyadoo kaddibna ay gacanta ku dhigeen laamaha amniga ee Puntland.

Labadan nin ayaa sidoo kale la sheegay inay isku dayeen inay ka baxaan Al-Shabaab, kuna biiraan Daacish, hase yeeshee maleeshiyada Al-shabaab ayaa xirtay markii ay ogaadeen qorshahooda ku biirista kooxda Daacish.

Warbixinta raggan la xukumay ayaa intaas ku dartay in labaduba ay Soomaaliya ka soo galeen xuduudda ay la wadaagto Kenya sanado kale duwan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post